(Europe) 25 Maarso 2019. Daafaca birta ah ee kooxda Liverpool iyo xulka Holland Van Dijk ayaa daaha ka rogay inuu mar dhimasho ku sigtay isagoo xitaa ka dar-daarmay hantida yar uu lahaa.
27-jirka ayaa 17-jr ahaa markii ay dhacdadani qabsatay kaddib markii uu diiday inuu tababarka joojiyo xilli uu la dhibtoonayay xanuun mindhiciraha caloosha ah.
Joog dheeraha wax badan ka badelay daafaca Reds ayaa saddex maalmood diidanaa inuu dhakhtar u tago, hooyadii oo walaacsan ayaana wacday Ambalaas ka hor inta uusan laacibku garowsan qiyaasta xaaladiisa dhaawac.
Van Dijk ayaa berigaa u ciyaarayay kooxda Groningen ee ka dhisan dalkiisa Holland wuxuuna yiri mar uu ka hadlayay sidii ay wax u dheceen.
“Indhaheyga waxay u muuqdeen qof dhintay, waxay ahayd khibrad aad u xun.
“Markii ugu horreysay nolosheyda, kubbada cagta wax micno ah iima lahayn. Gabi ahaanba wax muhimad ah iima lahayn, waxaan isku dayayay uun sidii aan u noolaan lahaa.
“Hooyadey iyo aniga waan duceysanaynay, daacadii xaalado badan ayaa ka hadleynay
“Mar ayaa waxaan ku qasbanaaday inaan saxiixo Dukumintiyadan, waxay ahaayeen dar daaran. Haddii aan ku dhinto Isbitalka, qeyb ka mid ah lacagaheyga halagu wareejiyo hooyadey.
“Cidna ma dooneyn inuu sare u qaado arrinkaa, balse waxaa loo baahday in lala tacaalo maxaa yeelay waxaa jirtay fursad aan ku dhiman karo.
“Waan xusuustaa mar aan sariirta dul saarnaa. Waxa kaliya aan arki karay waxa ahaayeen Tubooyin in Fiilooyin oo ku suran jirkeyga.
“Waxba ma awoodin inaan sameeyo, tan ugu xuna waxay ahayd wixii maskaxdeyda ka guuxayay.”.
Kabtanka xulka Holland ayaa markii uu ka soo kabtay dhaawaca caloosha isla markaana uu taam u noqday tababarka waxaa ka go’ay kiilooyin badan.
Gool FM.