Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Lionel Messi taam ma u noqon doonaa kulanka Manchester United ee Champions League?

$
0
0

(Europe) 26 Maarso 2019. Manchester United ayaa helaysa aqbaar dhabar jab ku ah kaddib markii la sheegay inay u badan tahay in Lionel Messi uu taam u noqon doono kulanka Barca vs Unied ee Champions League.

Messi oo sagaashanka daqiiqo ciyaaray kulankii Jimcaha uu xulkiisa Argentina guul darada 3-1 kala kulmay Venezuela, balse waxaa ka soo gaaray dhaawac gumaarka ah.

Wuxuu seegi doonaa kulanka saaxiibtinimo uu maanta xulkiisa ku wajaho xulka Morocco, balse waxaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto Barcelona kulamada usbuuca soo socda.

 Man Utd have been dealt a blow with Messi set to be fit for their Champions League clash against Barcelona

Hogamiyayaasha La Liga ayaa sabtida la ciyaari doona Espanyol iyagoo doonaya inay sii joogteeyaan farqiga 10-ka dhibcood ay hogaanka ku hayaan.

Intaa kaddib waxay la ciyaari doonaan Villarreal iyo Atletico Madrid ka hor inta aysan Man United ku wajihin wareega sideed dhammaadka Champions League 10-ka Abriil.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles