Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Way harayaan 4-ta kooxood ee Premier League waxaana Final ka Champions League isugu soo bixi doona….”.-

$
0
0

(Europe) 26 Maarso 2019. Muddo kaddib ayaa waxaa wareega sideed dhammaadka Champions League u soo gudbay afar kooxood oo ka dhisan Premier League Manchester United, Liverpool, Manchester City iyo Tottenham.

Balse macalinkii hore ee Blues iyo Man United Jose Mourinho ayaa qaba inay soo wada hari doonaan kooxaha ka socda Ingiriiska isla markaana ay Finalka gaari doonaan Juventus iyo Barcelona.

“Kooxaha ugu cad cad, waxaan oran lahaa Juventus iyo Barcelona,” Jose ayaa sidaa yiri mar uu u waramayay warsidaha Talyaaniga ee Calciomercato. 

“Qofkasta wuxuu ka hadlayaa Ronaldo iyo Messi – laakiin anigu waxaan doorbidayaa inaan ka hadlo Juve iyo Barca.

Picha inayohusiana

“Kooxaha Ingiriiska iyo sidoo kale Ajax iyo Porto waa kuwa fiican sidoo kale laakiin ma heystaan khibrada ay leeyihiin Barca iyo Juve oo kale.

“Marka aad heysato Ronaldo ama Messi, shaki la’aan waxay ku siineysaa tiro dheeri ah.”.

Kulamada wareega sideed dhammaadka Champions League ayaa la ciyaari doonaa bisha soo socota ee Abriil, Manchester City ayaa wajihi doonta Tottenham, United ayaa la ciyaari doonta Barcelona, halka Liverpool ay u safri doonto Porto.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles