Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Van Dijk oo markale ka hadlay Lionel Messi ka hor kulanka habeen dambe ee Barcelona vs Liverpool

$
0
0

(Europe) 30 Abriil 2019. Liverpool ayaa u safreysa Spain si ay habeen dambe Nou Camp kula soo ciyaarto Barcelona lugta hore ee wareega afar dhammaadka tartanka Champions League.

Daafaca Reds Van Dijk oo habeen hore loo caleemo saaray laacibka sanadka ee horyaalka Premier League ayaa markale ka hadlay xiddiga ugu fiican adduunka ee Lionel Messi.

“Waxaan aaminsanahay in Lionel Messi uu yahay laacibka ugu fiican adduunka, horey ayaan midaa u iri,” Daafaca reer Holland ayaa sidaa ku bilaabay hadalkiisa.

“Balse waad aragteen sidaan u ciyaarno, sida aan u difaactanno, uma difacaatanno qof qof lagu aadiyo one vs one.

Tokeo la picha la Messi and Van Dijk

“Si wada jir ah ayaan u difaactannaa si wada jir ahna waan u wada weerar tagnaa, sidaa darteed waan arki doonaa, diyaar ayaan u noqon doonaa kulanka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025