(England) 30 Abriil 2019. Haddii aad ogeyd inuu shiiday oo uusan shilin heysan daaficii hore ee Arsenal Emmanuel Eboué ku darso iminka in weeraryahankoodii hore ee Emmanuel Adebayor uu isna mar ku sigtay inuu shiid dartii isku dilo.
35-jirka reer Togo ee u soo ciyaaray kooxaha Arsenal, Manchester City , Tottenham, Crystal Palace iyo xitaa Real Madrid ayaa daaha ka rogay inuu habeen habeenada ka mid ah ku fikray inuu nafta is dhaafiyo mar uu dhalin yaro ahaa.
Inta uusan ku soo biirin Arsenal wuxuu ka soo ciyaaray Faransiiska halkaa uu kaga soo biiray dalkiisa Togo si uu u rumeeyo riyadiisa inuu noqdo laacib heer sare ah ee kubbada cagta.
Yeelkeede, wuxuu ku sigtay inuu nafta is dhaafiyo inta aysanba bilaaban waayihiisa sababo la xiriira shiid iyo cadaadis xoogam oo kaga yimid dhanka qoyskiisa.
“Waxaan ahaa 16. Waxa kaliya ee aan doonayay waxay ahayd inaan caawiyo qoyskeyga balse cadaadis xoogan ayay i saareen kaa oo aan u dul qaadan karin,” Adebayor ayaa sidaa ku bilaabay hadalkiisa mar uu u waramayay Daily Mail.
“Marka uu qoys faqiir yahay, qofkasta ayaa faqiir ah waxaana jirta midnimo wayn, dadku way ku eedeynayaan balse marka uu qofka guuleysto waaba sida inuu qofkasta abaal ku leeyahay.
“Waan xusuustaa habeen aan kor fadhiyay sariiteyda isla markaana aan ka fikirayay ‘War maxaan halkan ka qabanayaa?’ Cid igu faraxsan ma jirto, sidaa darteed maxay tahay u jeedka aan u noolahay?
“Waxaa jiray Faramashiye ku yiilay dhisamahaan deganaa hoostiisa, waxaan ka soo iibsaday dawooyin badan.
“Ma aysan dooneyn inay iga iibiyaan dawada laakiin waxaan ku iri waa daawo samafal ahaan loogu dirayo Togo, waan is diyaariyay, waxaan diyaar u ahaa inaan nafta is dhaafiyo.
“Intaa kaddib saqdii dhexe ayaan wacay saaxibkeyga ugu fiican, wuxuu ii sheegay inaan deg degin isla markaana ay jiraan waxyaabo ay tahay inuu dartooda u noolaado.”.
Gool FM.