(England) 30 Abriil 2019. Tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger ayaa ammaan ugu qubeeyay weeraryahanka Liverpool Maxamed Saalax ka hor kulanka habeen dambe ay semi final ka Champions League ku wajahayaan kooxda Barcelona.
Macalinka reer France ayaa carabka ku adkeeyay in xiddiga reer Masar uu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican kubbada cagta adduunka ee waqtigan.
“Mohamed Saalax waa laacib cajiib ah,” Wenger ayaa sidaa u sheegay beIN Sports.
“Wuxuu ku koray oo uu hormar ku sameeyay Liverpool kaddib markii uu horeyba aad ugu fiicnaa Roma.
“Waa laacib aan innaba caadi ahayn.
“Hoos u dhac yar ayuu sameeyay kaddib Koobka adduunka iyo usbuucyadii yaraa ee la soo dhaafay, laakiin wuxuu qaabeeyay inuu dib ugu soo laabto tiisii ugu fiicneyd waana mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka ee waqti xaadirkan.
“Waa inaad midaa ku ammaantaa LIverpool, iyadoo ay kooxo badan suuqa ku jiraan ayay awoodeen inay gacanta ku soo dhigaan laacib sidiisa oo kale ah, waxay muujineysa inay sameeyeen si aad u fiican.”.
Suarez iyo Coutinho ayaa lagu wadaa in habeen dambe ay Nou Camp ku soo dhaweeyaan kooxdoodii hore ee Liverpool taa oo wax badan ka badeshay kubbadooda.
Gool FM.