Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Messi waa LAMA JOOJIYE aad baana uga helaa.”.- Jurgen Klopp

$
0
0

(Europe) 01 Maajo 2019. Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qiray awooda uu leeyahay kabtanka Barcelona ee Lionel Messi kaa oo 2-gool ka dhaliyay ciyaartii xalay ee 3-0 kaga adkaatay Barcelona.

Macalinka reer Germany inkastuu ku faraxsan yahay bandhig ciyaareedka kooxdiisa misane wuxuu qiray in Messi uu lama joojiye yahay xaaladaha qaar sida marka uu Free Kick u yaalo.

Xiddiga reer Argentina ayaa goolka saddexaad ee kooxdiisa ku soo xiray Laadka xorta oo aad u qurxoon uu ka dhaliyay meel uusan xitaa gaari karin goolhayaha.

The Argentine whipped a 35-yard free-kick over the Liverpool wall to give Jurgen Klopp's side a mountain to climb

Klopp oo Messi ka hadlaya ayaa yiri:

“Messi waa lama joojiye maxaa yeelay suuro gal ma ahan in la difaaco Laadkaasi xorta ah.

“Laga yaabaa inuusan goolkiisa ugu fiican ahayn dhammeystirkii uu sameeyay Messi si uu ciyaarta uga dhigo 2-0, laakiin waxay midaa ku tusineysaa inuu garanayo inuu joogo booska saxda ah.

“Aad baan uga helaa Messi, laakiin si fiican ayaan isaga difaacnay isaga.

“Aad ayay u adag tahay inaad ka hortimaado Barcelona, laakiin haddii aad eegto natiijada. Mr Ernesto Valverd wuxuu sameeyay wax kasta oo saxan aniguna waxaa sameeyay wax kasta oo qaldan.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles