(Europe) 02 Maajo 2019. Waxaa sii korortay is bar-bardhiga had iyo jeer lagu sameeyo Lionel Messi iyo Cirstiano Ronaldo kaddib markii uu laacibka reer Argentina xalay ka daba tagay xiddiga reer Portugal oo waxay iminka dhaliyeen min 600 gool waayahooda ciyaareed.
Laakiin Mario Balotelli ayaa ka soo horjeestay in mardambe la isla bar-bardhigo labada laacib ee min 5-jeer ku guuleystay Kubbada Cagta isagoona dadka Jecel kubbada cagta ka codsaday inaysan mar dambe isla meel dhigin Messi iyo Ronaldo.
Xiddiga reer Talyaani ayaa aad ula dhacsan Kabtanka Barcelona oo wuxuu aaminsan yahay inuu yahay kan ugu sarreeya kubbada cagta adduunka ebid.
Balotelli ee iminka u ciyaara kooxda reer France ee Marseille ayaa baraha bulshada ku soo qoray:
“Jaceylka kubbada cagta dartii, fadlan mardambe Messi hala bar-bardhigin midka No.7 u xirta Juventus.”.
Lionel Messi ayaa xalay labo gool ka xareeyay Liverpool ciyaartii ay uga adkaadeen 3-0 taa oo goolashiisa gaarsiisay 600 oo wuxuu soo bar-bareeyay Ronaldo.
Gool FM.