Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Nasiib ayaan ku leeyahay inaan markasta ka hor imaaneyn Messi isla markaana aan ka ciyaareyn horyaalka Spain.”.- Van Dijk

$
0
0

(Europe) 03 Abriil 2019. Daafaca ugu fiican Premier League  Van Dijk ayaa ka dhawaajiyay inuu nasiib ku leeyahay inuusan ka ciyaarin horyaalka La Liga isla markaana uusan kal ciyaareed kasta ka hor imaaneyn laacibka ugu fiican adduunka ee Lionel Messi kaddib wacdarihii uu kooxdiisa ku dhigay kulankii habeen hore.

Laacibka reer Argentina ayaa Reds ka dhaliyay labo gool oo uu ka mid yahay Free Kick caaqibo leh ciyaartii ay 3-0 uga adkaadeen.

Joog dheeraha reer Holland ee isagu awoodi waayay inuu joojiyo Messi ayaa sheegay inuu nasiib ku leeyahay inuu mar mardhif ah ka hor imaado kabtanka Barcelona maadaama uusan ka ciyaarin horyaalka La Liga.

“Markaad ka hortimaado Messi isla markaana uu soo saarayo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican waxba kama qaban kartid,” Van Dijk ayaa sidaa yiri.

“Nasiib ayaan ku leeyahay inaan joogin Spain isla markaana aan xilli ciyaareed kasta ka hor imaaneyn Messi.

“Wuxuu dhaliyay labo gool aad ayaana u niyad jabay. Wuxuu ku guuleystay dagaalka yar ee kuma guuleysan midka wayn.”.

Van Dijk oo sidoo kale la waydiiyay haddey ka soo kaban karaan guul darada 3-0 ayaa sheegay in wax kasta ay suuro gal ka yihiin kubbada cagta.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles