(Europe) 04 Maajo 2019. Real Madrid iyo Eden Hazard ayaa heshiiyay si uu laacibka ugu soo dhaqaaqo Bernabeu xagaagan.
Heshiiska uu laacibka reer Belgium ugu biirayo camaaliqada reer Spain ayaa lagu dhawaaqi doonaa 12-ka bishan May ilaamaa ay Chelsea u soo baxdo Final ka Europe League.
Real Madrid ayaa waqti badan lala xiriirinayay saxiixa Eden Hazard iyadoo uu halka sare ugu jiro liiska tababare Zidane.
Jariiradda caanka ah ee ka soo baxda Spain Marca ayaa ka dhawaajisay in heshiis laga gaaray saxiixa Hazard, balse ay Real Madrid ka walaacsan tahay in haddii ay iminka ku dhawaaqdo heshiiska uu carqalad ku noqdo xilli ciyaareedka Chelsea ee gabo gabada ah.
Blues ayaa u dagaalameysa sidii ay ugu soo bixi lahayd Finalka Europe League maadaama ay bar baro gashay lugtii hore ee semi final ka waxay sidoo kale dadaal xoogan ugu jirtaa sidii ay uga mid noqon lahayd afarta sare ee horyaalka Premier League.
Kooxda reer England ayaa ka baqatay/cabsatay in haddii ay shaaciso iibka laacibkeeda laga yaabo inay ka dhalato in bandhiga kooxda uu dhibtoodo, sidaa darteed wada hadalada ayaa laga dhigay mid qarsoodi ah.
Jariiradda Marca ayaa sidoo kale sheegtay in heshiiska uu Hazard ugu biirayo Real Madrid lagu dhawaaqi doono 12-ka bishan May marka uu dhammaado horyaalka Premier League, balse dib ayaa markale loo dhigi doonaa haddii ay Chelsea u soo baxdo Final ka Premier League.
Gool FM.