(Italy) 04 Maajo 2019. Inkastoo ay Juventus kol hore xaqiiqsatay horyaalka Serie A misane kulankii xalay waxay bar-baro waqti dambe ah ka heshay kooxda Torino oo dagaal xoogan ugu jirta afarta sare ee horyaalka Talyaaniga.
Gool Marwada Duqda ah laga dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa u soo bar-bareeyay Cristiano Ronaldo mar ay ciyaartu ka harsanayd 6-daqiiqo oo qura.
Goolka oo ahaa mid uu joog sare kor u kacay xiddiga reer Portugal si uu Madaxa kubbada ugu dhaliyo ayaa ka dhigan inuu ahaa goolkiisii 100-aad waayihiisa ciyaareed oo uu Madaxa ku dhaliyo.
Sidoo kale waa goolkiisii 601-aad waayihiisa ciyaareed oo wuxuu hal gool oo qura dheer yahay Lionel Messi.
Gool FM.