(Europe) 04 Maajo 2019. Cirstiano Ronaldo ayaa ka dhawaajiyay inuusan marna qarin karin amaba uusan ilaawi karin kiiskii Canshuur lunsiga ay ku soo oogeen xukuumada Spain balse wuxuu qiray inaysan midaa wax saameyn ah ku yeelan doonin jaceylka uu u qabo dadka Spanishka ah.
Xiddiga reer Portugal ayaa lagu ganaaxay labo sano kaddib markii lagu soo eedeeyay canshuur lunsi horaantii sanadkan.
Iyadoo ay midaa jirto ayuu Ronaldo sheegay inuu jecel yahay dadka reer Spain oo markii uu wadooyinka Madrid marayo had iyo jeer ku dhaha fadlan soo laabo halkan waa gurigaaga.
“Spanishku si fiican ayay iila dhaqmeen”. Ronaldo ayaa sidaa u sheegay Jariiradda ICON.
“Waxaan doonayaa inaan shaqooyin ka siiyo xarunteeda Timaha lagu beero iyadoo ay jirto dhibaatooyinkii canshuuraadka waayo midaa ma ilaawi karo mana qarin karo.
“Nolosheydu waa buug furan, waxaan socodaa iyadoo uu madaxeyga kor yahay, waan ogahay inay dadkaa i jecel yihiin.
“Way og yihiin inaan wax badan siiyay Real Madrid isla markaan ay kooxdu wax badan isiisay.
“Wadooyinka Real Madrid waxay igu yiraahdaan: “Ronaldo imow guriga, Gurigan had iyo jeer waa gurigaaga”. Waan ka helaa inaan midaa maqlo.”.
Gool FM.