(Torino) 15 Maarso 2016. Claudio Marchisio ayaa lagu wadaa inuu ka maqnaado Juventus kulanka habeen dambe ay la ciyaari doonaan Bayern Munich lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League sababo la xiriira dhaawac ka gaaray kubka.
Juventus ayaa bar-baro 2-2 garoonkeeda kula gashay kooxda reer Germany wareegii hore kaddib markii ay ka soo kabatay 2-0 oo hogaanka looga qabtay.
Xiddiga qadka dhexe ee reer Talyaani Marchisio ayaa ku guul darreystay inuu dhameystiro tababarkiisii ugu dambeeyay wuxuuna kula biiri doonaa Giorgio Chiellini, Paulo Dybala iyo Mario Mandzukic xiddigaha ka maqan safka kooxda Massimiliano Allegri.
Da’yarka sida wayn uga dhex muuqda Juventus ee Dybala ayaa la warinayaa inuu qabo dhaawac cagta ah.
Daafaca birta ah ee Chiellini ayaa isna la dagaalayay dhibaato uu ka qabo kubka usbuucyadii dhawaa umana badna inuu ka soo muuqan doono kulanka Bayern Munich kaddib markii uu kaligii qaatay tababarkii shalay, halka Mandzukic uu ka baxay garoonka isagoo dhutinaya ciyaartii dhaweyd ay kooxdiisa 1-0 uga adkaatay Sassuolo.
Weeraryahanka reer Croatia ayaa la warinayaa inuu shaki wayn ku jiro iyadoo ay u badan tahay in lagu soo bilaabo lvaro Morata.
Gool FM.