Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

RASMI: Antonio Conte oo ka tagaya xulka Talyaaniga si uu u qabto Chelsea iyo warbixino kale oo ku saabsan naadiga sii liiceya ee lagu naaneyso Blues

$
0
0

(England) 15 Maarso 2016. Tababaraha reer Talyaani Antonio Conte ee lagu wado inuu xilka tababaranimo ee Chelsea ka badelo Guus Hiddink ayaa la xaqiijiyay inuu ka soo tagayo xulka Talyaaniga marka uu dhamaado Euro 2016.

Madaxwaynaha xiriirka kubbada cagta dalka Talyaaniga Carlo Tavecchio ayaa xaqiijiyay in Conte uu ka tagayo xulka lagu naaneyso Azzurri marka uu dhamaado tartanka Euro 2016, waxaana la fahansan yahay inuu qaban doono xilka Blues bilowga xilli ciyaareedka soo socda.

Waxaa la sheegayaa in Conte uu goor horeba heshiis afka oo saddex sano ah la gaaray Chelsea taa uu sanadkiiba ku qaadan doono adduun dhan 4.75-milyan oo bound.

Dhanka kale Chelsea oo maalmahanba sii lii ceysay ayaa waxaa kulanka soo socda ee West Ham ganaax uga maqnaan doona dhaliyahooda Diego Costa kaa oo xitaa la filanayo in ganaaxiisa intaa ka sii ballaarto.

Cabsida kale oo wayn ee jirta ayaa ah in Eden Hazard laga yaabo inuu garoomada ka maqnaado muddo afar usbuuc  ah sababo la xiriir dhaawac sinta ah.

blue

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles