(Italy) 15 Maarso 2016. Luigi De Canio ayaa dib ugu soo laabtay naadiga Udinese kaddib 15-sanadood si uu kooxda ugu hogaamiyo usbuucyada ugu dambeeya ee horyaalka Serie A kaddib markii uu kooxda ka tagay tababare Stefano Colantuono.
Colantuono ayaa ka tagay xilka tababaranimo ee Udinese shalay oo isniin ahayd kaddib hal guul oo qura 11 kulan oo horyaalka Talyaaniga taa oo kooxda geysay inay afar dhibcood oo qura u jirsato booska hoos loogu dhacayo heerka labaad.
Ka tagistiisa kooxda waxay albaabada u furtay De Canio oo markii labaad ku soo laabtay kooxdan iyadoo uu dhawaan leylinayay kooxda Catania xilli ciyaareedkii 2013-14, waxa uuna 58-jirkan saxiixay heshiis uu ku sii joogi doono kooxda reer Talyaani ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan sida lagu xaqiijiyay bogga rasmiga ah ee kooxdan.
Gool FM.