(Catalonia) 13 Maarso 2016. Haddii aad maqli jirtay uun Lionel Messi oo dhigay rikoodh cusub waxaa markaan loo diiwaan galiyay rikoodh xun kaddib rigooradii uu khasaariyay kulankii ay habeen hore lixda gool ku xaaqeen kooxda Getafe.
Kabtanka xulka Argentina ayaa noqday laacibka khasaariyay rigoorooyinkii ugu badnaa kooxda Barcelona ee horyaalka La Liga 8-rigoore oo wuxuu dhaafay Samuel Eto’o oo horey kooxdan uga khasaariyay 7-rigoore.
Messi ayaa khasaariyay afar ka mid ah sideed rigoore uu tuuray xilli ciyaareedkan, waxaana xusid mudan in 21-rigoore ay Barcelona heshay xilli ciyaareedkan ay dhalisay oo qura 10-ka mid ah.
Barcelona ayaa ku guuleysatay xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga 15-rigoore oo waxay hal rigoore u jirtaa rikoodhka u yiilay horyaalka Spain ee dhanka rigoorooyinka kaa oo ay dhigtay kooxda Real Betis xilli ciyaareedkii 1986-87.
Gool FM.