Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Real Madrid oo kulan soo aadan ciyaari doonta Pepe iyo Sergio Ramos la’aantood

$
0
0

(Madrid) 14 Maarso 2016. Daafacyada birta ah ee kooxda Real Madrid Pepe iyo Serigo Ramos ayaa ganaax ku seegi doona kulanka soo socda ee horyaalka La Liga ay kooxdoodu Santiago Bernabéu kula ciyaari doonto kooxda Sevilla.

Daafaca reer Portugal ee Pepe ayaa isagu kaarka haruuda ah ku qaatay Willian José daqiiqadii 61-aad kulankii ay xalay Real Madrid diriqiga uga baxsatay Las Palmas taa oo micnaheedu yahay inuu urursaday kaarkiisii shanaad isla markaana uu maqnaan doono kulanka usbuuca soo socda.

Kabtanka kooxda cad cad ka Sergio Ramso ayaa isna dhamaadka ciyaarta qaatay kaarkii jaalaha ee labaad kaa oo isku badelay casaan sidaa darteed ma wajihi doono kooxdiisii hore ee Sevilla marka ay soo booqato garoonka Bernabéu usbuuca soo aadan.

Ramos iyo Pepe

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles