Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

DEG DEG: Jeenyo oo JUUNI goolal ah jeebka ugu shubtay Muqdisho FC….(Feysal oo AFARLEEY ka kacay)

$
0
0

(Muqdisho) 15 Maarso 2016. Naadiga LL.PP. Jeenyo ayaa goolashii ugu badnaa xilli ciyaareedkaan horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya uga adkaatay kooxda FC Muqdisho ciyaar dhawaan ku soo idlaatay garoonka Koonis oo lagu kala baxay 7-0.

Qeybtii hore ee ciyaartan xasuuqa loo geystay kooxda dhawaan soo dalacday ayaa lagu kala nastay 2-0 oo labada goolba waxaa dhaliyay Feysal.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ayay Jeenyo la timid shanta gool ee kale waxaana labo kale dhaliyay oo sidaaa Afarleey ku tagay Feysal, Meyman ayaa isna 2- raacsaday waxaana goolka kale dhaliyay Xasan Xasaasi.

Kooxda hogaamineysa horyaalka dalkeena ee Banaadir ayaa shalay 6-0 ku martay Sahafi laakiin Jeenyo ayaa beentaa tiri oo tiro ka badan kaga adkaatay galabta kooxda FC Muqdisho.

horyaal

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles