(London) 16 Maarso 2016. Arsenal ayaa caawa garoonka Camp Nou kula ciyaari doonta Barcelona lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League iyadoo kulankii hore looga soo adkaaday 2-0.
Tababare Arsene Wenger weligii kuma uu guuleysan koobkan markii ugu dhaweyd waxay ahayd 2006-dii finalka tartankan oo wuxuu guul darro kala kulmay isla kooxdan Barcelona.
Haddii ay Arsenal ka soo harto caawa tartankan sida la filayaba waxaa laga yaabaa inuu noqdo kulankii ugu dambeeyay uu Wenger ku hogaamiyo Champions League oo waxa uu ka fikirayaa sida uu xilka isaga degi lahaa dhamaadka xilli ciyaaareedkan kaddib xaalada taageerayaasha Arsenal oo aad u qasan isla markaana ay dalbayaan inuu xilka ka dego.
Haddaba daawo tababarka Gunners ka hor kulanka caawa ee Barcelona.
Gool FM.