Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Maxaa laga yiri dhaawacyadii soo gaaray daafacyada halista ah ee Man City Kompany iyo Otamendi…(Miyay ciyaari karaan kulanka Manchester Derby?)+SAWIRRO

$
0
0

22

(Manchester) 16 Maarso 2016. Man City ayaa xalay u soo gudubtay wareega 8-da Champions League markii ugu horreysay kaddib markii ay ka adkaatay Dynamo Kiev balse nasiib darro waxaa dhaawacyo ka soo gaaray daafacyadeeda halista ah ee Vincent Kompany iyo Nicolas Otamendi.

Kabtanka Man City oo isagu awalba la dhibtoonayay dhaawac kubka ah xilli ciyaareedkan ayaa garoonka laga saaray shantii daqiiqo oo hore, waxaana 20-daqiiqo kaddib isna garoonka dhaawac uga baxay Otamendi.

Tababare Manuel Pellegrini oo ka waramay dhaawacyada labada daafac ayaa filaya in ugu yaraan uu bil garoomada ka maqnaan doono Kompany, hayeeshee uu goor dhow filayo inuu soo laabto Otamendi.

“Kompany waxa uu qabaa dhaawac muruqa kubka ah mid la mid ah kii uu horey u qabay,” tababaraha Man City ayaa sidaa yiri.

“Had iyo jeer dhaawacyada muruqa ugu yaraan waa bil. Waa adag tahay in la yiraahdo haddii uu maqnaanayo xilli ciyaareedka laakiin waxaan ku jirnaa bartanka bisha Maarso intaa kaddibna waa bartanka bisha Abriil.”.

Nicolas Otamendi oo isna dhaawac ku baxay qeybtii hore ee ciyaarta ayaa shaki laga muujinayaa taam ahaan shihiisa kulanka Manchester Derby ee axada.

Laakiin tababare Pellegrini ayaa ku rajo wayn inuu daafaca taam u noqon doono kulanka ay la ciyaari doonaan Man United.

SAWIRRO:

city city1 city2 city3 city4 city5

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles