Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Cristiano Ronaldo oo maaro looga waayay safarada uu ku aado dalka Morocco iyo Real Madrid oo dalab yaab leh u gudbisay BOQORKA dalkaasi!

$
0
0

(Madrid) 16 Maarso 2016. Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ka careysiiyay madaxwaynaha Real Madrid kaddib markii uu safar kale u aaday dalka Morocco.

Florentino Perez ayaa la sheegayaa inuu waydiiistay boqorka dalka Morocco Mohamed VI inuu u soo jaajuuso ama uu warbixin uga keeno howlaha uu Ronaldo ka qabto dalkaasi kaddib safarkii uu markale ku tagay magaalada Marrakech.

31-jirkan ayaan qarin safarkiisa isagoona ku soo dhigay boggiisa Instagram sawir muujinaya safarka uu ku tagay dalkaasi ku yaala waqooyiga Africa.

Yeelkeede sida ay sheeganeyso SPORT in madaxa Real Madrid Florentino Perez uu waydiistay saaxiibkii Mohamed VI inuu la soo socodsiiyo howlaha uu Ronaldo ka qabto dalkaasi iyadoo horey ay saxaafadda dalka Spain u shaacisay in Real Madrid ay ka ganaaxday xiddiga reer Portugal safarada uu ku aadayo dalkaasi reer Africa.

Waase la arki doonaa halka ay ku dambeyso safarada joogtada ah uu Ronaldo ku aado Morraco iyo waxa uu boqorka dalkaasi ka soo sheego.

Cristiano-Ronaldo

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles