Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Lionel Messi oo walaac ka muujiyay Arsenal ka hor kulankooda caawa…(Muxuu ka yiri?)

$
0
0

(Catalonia) 16 Maarso 2016. Xiddiga ugu fiican kubbada cagta adduunka waqti xaadirkan Lionel Messi ayaa ka digay inay isdhigtaan kulanka caawa isagoona ku sheegay Arsenal inay ciyaarto kubbad la mid ah midda ay iyagu ciyaaraan.

Lionel Messi ayaa dhaliyay labadii gool ay Gunners uga soo adkaadeen garoonka Emirates lugtii hore ee wareega 16-ka Champions League waxa ayna kooxda Luis Enrique hal lug kula jiraan u soo bixista wareega 8-da Champions League.

Haddaba kabtanka xulka Argentina ayaan meesha ka saarin fursada ay ku soo bixi karaan Arsenal isagoona wareysigiisa ku yiri: “Arsenal waxay heysataa xiddigo badan oo kara inay goolal dhaliyaan.

“Meel fiican ayaynu dhignay nafsadeena si aan ugu soo gudubno wareega sideeda Champions League laakiin midkeen kuma fikirayo inay howshu dhamaatay.

“Dabcan waynu ognahay halista uu keeni karo Alexis Sanchez laakiin waa mid ka mid xiddigo badan oo tayo leh oo ay heystaan.

“Sida ay u ciyaaraan waa mid aad u shabaha midka aan ciyaarno sidaa darteed aad ayaynu u xushmeynaa iyaga.”.

Messi

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles