Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Waa inaan ku laabtaa Atletico Madrid,” Diego Costa

$
0
0

costaaaa

(Europe) 17 Agoosto 2017. Weeraryahanka Chelsea  Diego Costa ayaa u duulaya Spain si uu ugu qasbo Chelsea inay fasaxdo.

Xiddiga reer Spain ayaa soo saaray bayaan uu ku caddeynayo rabitaankiisa ku aadan inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.

“Mar hore ayaa la sameeyay bar-dhammaadkeyga.” Costa ayaa sidaa yiri.

“Waa inaan dib ugu laabto Atletico Madrid, waxay soo afjarjeysaa inay jirto cakirnaan ah in Chelsea aysan dooneyn inay i fasaxdo.

“Laakiin waxaan aaminsanahay in iminka la xalin doono xaaladan markaan ku laabto Spain.”.

Costa ayaa iminka ku sugan dalka uu ka soo jeedo ee Brazil isagoona shalay booqday kooxdiisii hore ee Sergipana Federation.

Blues ayaa ku ganaaxday Costa adduun dhan 300,00 oo bound kaddib markii uu dib ugu soo laaban waayay tababarka kulamada la isugu diyaarinayay kal ciyaareeka cusub.

Kooxda reer London ayaa dooneysa inay iska iibiso wiilka madaxa adag iyadoo kolhore Real Madrid kala soo wareegtay Alvaro Morata adduun dhan 70-milyan bound.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles