(Muqdisho) 19 Agoosto 2017. Waxaa la joojiyay ciyaaraha kubbada cagta ee Soomaaliya muddo 7 maalmood ah oo ka bilaabaneysa maanta iyadoo loogu baroor diiqayo allaha u naxariistee Cusmaan Jaamac Diraac.
Gudoomiyaha Garsoorayaasha Soomaaliyeed mudane Cusmaan Diraac ayaa Dabley hubeysan waxay ku dileen Degmada Warta Nabada gaar ahaan Xaafada Xamar Bile.
“Waxaan luminay saaxiib iyo walaal wayn, kaa oo waqtigiisa inta badan ku qarash gareeyay sidii loo hor marin lahaa ciyaaraha dalka,” Waxaa sidaa yiri Madaxwaynaha xiriirka kubbada cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab.
“Todobada maalmood waa waqti loo cayimay Baroor diiqda, laakiin qofkasta oo naga mid ah wuu xusuusnaan doonaa isaga, dhimashadiisu waa waa wax wayn oo aan luminay.”.
Waxaa garoomada Koonis iyo Jaamacadaha ka socday tartanka Degmooyinka kaa oo iminka la ciyaari doonin ilaa Usbuuca dambe.
Gool FM.