Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Paulinho oo ka maqan xiddigaha ay Barcelona u soo xulatay kulanka caawa…(Maxaa dhacay?)

$
0
0

po

(Catalonia) 20 Agoosto 2017. Barcelona ayaa caawa heli doonin adeega xiddigooda cusub ee Paulinho kulankooda furitaanka horyaalka La Liga ay ku wajahayaan Real Betis sababo la xiriirta dhanka maamulka.

Labada kooxood ee Barcelona iyo Guangzhou Evergrande ayaan weli dhammeystirin hannaanka kala badelashada ee dhammaan dukumintiyadii loo baahnaa taa oo keentay inuusan caawa dheeli Karin xiddiga reer Brazil.

Kabtanka Barca Andres Iniesta ayaa isagu weli dhaawac ku maqan halka daafacooda Gerard Pique oo isagu shaki ku jiray lagu soo daray shaxda ay caawa kala hortagi doonaan Real Betis.

Barca ayaa safkan ku furaneysa kulankooda furitaanka La Liga:

Ter Stegen, Semedo, Pique, Rakitic, Sergio, Denis Suarez, Arda, Messi, Mascherano, Deulofeu, Paco Alcacer, Jordi Alba, Digne, Sergi Roberto, Andre Gomes, Aleix Vidal and Umtiti.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles