Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Antonio Conte oo 200 oo milyan ku qarash gareynaya 5-tan laacib

$
0
0

conte

(London) 20 Agoosto 2017. Antonio Conte ayaan ka faaruqin suuqa kala iibsiga oo wuxuu qorsheynayaa iminka inuu 200 milyan oo bound ku qarash gareeyo 5 laacib oo hor leh.

Kooxda xafidaneysa Premier League ayaa u soo dul qaadatay kulamo liita ciyaarihii ay isugu diyaarineysay kal ciyaareedka cusub iyadoona durba ku bilaabatay horyaalka guul darro 3-2 oo ka soo gaartay Burnley.

Sunday Express ayaa waxay sheeganeysaa in tababarihii hore ee Juventus iyo xulka Talyaaniga uu iminka doonayo inuu shaxdiisa ku soo daro Alex Oxlade-Chamberlain, Danny Drinkwater iyo saddexda laacib ee u wada safta Southampton Virgi van Dijk, Ryan Bertrand iyo Cederic Soares.

aaa

Conte ayaa halkii uu daycatiri lahaa shaxdiisa doorbidaya inuu xiddigo cusub ku soo biiriyo kooxda.

Yeelkeede, booska ay suuro galka tahay inuu iska hagaajiyo ayaa ah garbaha daafaca.

Soares iyo Bertrand ee ah  labo ka mid ah xiddigaha ugu fiican PL ee ka ciyaarta garabaha daafaca ayuu doonayaa macallinka reer Talyaani inuu ku soo daro shaxdiisa si ay tartan u galiyaan badelna ugu noqdaan Victor Moses iyo Marcos Alonso.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles