(Europe) 20 Agoosto 2017. Mustaqbalka Philippe Coutinho ayaan weli wax go’aan rasmi ah laga gaarin xilli uu laacibka garoomada uga maqan yahay dhaawac dhabarka ah.
Warar dhawaan gal ah oo ka imaanaya Spain ayaa tibaaxaya in mustaqbalka xiddiga reer Brazil go’aan laga gaari doono khamiista soo socota marka la sameynayo isku aadka Champions League waa haddii ay meesha ku kulmaan maamulka Barcelona iyo kuwa Liverpool.
Madaxda kooxda reer England iyo kuwa camaaliqada Spain ayaa waji ka waji ugu kulmi doona magaalada Monaco ee lagu sameynaya isku aadka wareega group yada ee CL waa haddii ay Liverpool arbcada ka soo baxdo kooxda Hoffenheim lugta labaad ee isreeb reebka.
Kooxda ka dhisan Catalonia ayay ka go’an tahay sidii ay ku buuxin lahayd booska uu faarujiyay Neymar oo lacagihii ugu badnaa ebid kubbada cagta 222 milyan oo euro ugu biiray PSG.
Reds ayaa dalabyo dhowr ah ka diiday Barca iyadoo uu kii ugu dambeeyay ku kacayay 82-milyan oo bound iyo 36-milyan oo bareemiyo ah.
Laacibka reer Brazil ayaan lahayn lacago cayiman oo lagu bur burin karo qandaraaskiisa waana mida xaalada ku cakirtay kooxda reer Spain.
Coutinho ayaa seegay kulamada furitaanka Premier League sababo la xiriira dhaawac uu ka sheeganayo dhabarka.
Gool FM.