(Muqdisho) 20 Agoosto 2017. Dekadda oo dhawaan uun ku guuleysatay horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya muddo 19 sanadood ah kaddib ayaa waxay lumisay labo xiddig oo aad u muhiim ah shaxdeeda.
Axmed Xasan Macaani iyo Cabdicasiis Catoosh oo udub dhaxaad u ahaa kooxda Dekadda ayaa la sheegayaa inay isaga tageen naadiga.
Lama sheegin sababta rasmiga ah oo ay uga tageen kooxda iyo kooxaha cusub ay ku biireen.
Macaani ayaa isagu ciyaarin kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka maadaama uu lug ka jabay, halka Catoosh oo markii hore Jeenyo uga yimid Dekadda uu shaqo muuqata u qabtay kooxda ku guuleysatay horyaalka.
Sikataba, Dekadda ayaa la soo wareegtay xiddigo cusub sida Feysal oo weerarka kaga ciyaari jiray Jeenyo iyo xiddiga qadka dhexe ee Elman Shakuur Alla.
Gool FM.