Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Marchisio oo doonaya inuu ka tago Juventus iyo Chelsea oo jiirada u taagan

$
0
0

mar

(Torino) 21 Agoosto 2017. Claudio Marchisio ayaa doonaya inuu isaga tago Juventus inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagaagan.

Chelsea ayaana u soo ifbaxeysa sida inay tahay bar-dhammaadka xiddiga reer Talyaani sida uu warinayo Corriere della Sera.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in laacibka qadka dhexe uusan xiriir xoogan la lahayn tababaraha Juve ee Massimiliano Allegri wuxuuna doonayaa inuu helo boos joogta ah si uu sare ugu qaado fursada uu koobka adduunka ugu matali karo xulka qaranka Talyaaniga.

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa sidoo kale la warinayaa inuu qudhiisa si dhow ula socdo xaalada 31-jirka ku raagay Juventus.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles