Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Waa inaan ku dayanaa Premier League.”. Sergio Ramos oo furka ku tuuray garsoorayaasha La Liga

$
0
0

ramos

(Madrid) 21 Agoosto 2017. Kabtanka Real Madrid ayaa aaminsan in garsoorayaasha Premier League ay aad uga dabacsan yihiin kuwa horyaalka La Liga isagoona soo jeediyay in Garsoorayaasha horyaalka Spain ay u dhaqmaan sida kuwa horyaalka Ingiriiska kaddib kaarkii casaa ee loo taagay kulankii xalay ay ka adkaadeen Deportivo.

Daafaca reer Spain ayaa jaalaha labaad qaatay dhammaadka dheesha kaddib markii uu suxul ku dhuftay Borja Valle iyadoo uu qabay jaale hore uu ku qaatay inuu dharbaaxay Fabian Schar mar ay is qabteen qeybta labaad ee dheesha.

“Waxaan meelaha qaar u baahanahay inaan in badan ka fiirino kubbada cagta Ingiriiska isla markaana u ogolaano ciyaartoyda inay wax badan ciyaaraan,” Ramos ayaa sidaa yiri.

Ramos complained of 'antipathy' towards Real Madrid after he was sent off at Deportivo

“Si fiican ayaan uga helaa nidaamka kubbada cagta Ingiriiska. Europe garsoorayaasha aad ayay u dul qaad badan yihiin.

“Qalad ayaa la igu siiyay kaarka labaad ee jaalaha, wuxuu ahaa arxan darro,  laakiin waan ixtiraamayaa fikrada garsooraha, u jeedkeygu maaheyn inaan dhaawaco isaga, waxaan taageeray uun nafsadeyda, laakiin wax kasta waxbaad ka baraneysaa.

Kaddib jaalihii uu xalay qaatay Segio Ramos ayaa soo bar bareeyay rikoodha laacibiinta ugu roosaha badan horyaalka La Liga 18-jeer ayuu qaatay horyaalka halka uu 23-jeer qaatay kaarka cas intii uu la joogay Real Madrid.

Ramos was given his marching orders in stoppage time of their 3-0 victory against Deportivo

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles