Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Wayne Rooney oo Taariikh sameeyay kaddib goolkii uu xalay ka dhaliyay Man City

$
0
0

DHyP_TwWsAAChOh

(Manchester) 22 Agoosto 2017. Wayne Rooney ayaa baal dahabi ah ka soo galay taariikhda Premier League kaddib goolkii uu xalay ka dhaliyay Manchester City kulankii ku idlaaday 1-1.

Xiddiga ugu goolasha badan taariikhda Manchester United balse dib ugu soo laabtay kooxdiisii hore ee Everton ayaa goolka uu xalay dhaliyay waxa uu ugu dhignaa inuu gaaray goolashiisii 200 uu ka dhaliyo horyaalka Ingiriiska.

Taa oo la micno ah inuu noqday laacibka labaad ee ebid tiradaa ka dhaliya Premier League kaddib rugcadaagii hore ee Newcastle United Alan Shearer kaa oo ciyaaraha kaga fariistay 260 gool.

Wayne Rooney ayaa sidoo kale noqday laacibka kaliya ee Taariikhda Premier League dhaliya 200 oo gool isla markaana sameeya 100 caawin iyo ka badan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles