(Europe) 27 Sebt 2017. Kooxda Zidane ayaa guusheedii ugu horreysay ku soo gaartay garoonka kooxda Dortmund tartanka Champions League kaddib markii ay 3-1 xalay uga adkaadeen.
Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay labo ka mid ah goolasha xilli uu Los Blancos u safanayay kulankiisii 400-aad dhammaan tartamada.
Xiddiga reer Portugal ayaa guulo gaaray 293 kulan 400 kulan uu u saftay Real Madrid tartamada oo idil, waxaa laga adkaaday 47-jeer halka bar baro lagu celiyay 60-kulan wuxuuna muddadaas ku dhaliyay 409-gool halka uu caawiyay 111.
400 – Cristiano Ronaldo will make his 400th appearance for Real Madrid in all competitions. Myth. pic.twitter.com/fQxkCspjo5
— OptaJose (@OptaJose) September 26, 2017
Gool FM.