(Europe) 28 Sebt 2017. Michy Batshuayi ayaa sawir iyo hadalo yaab leh soo dhigay boggiisa Twitter ka kaddib guushii soo daahday uu xalay ku hogaamiyay Chelsea ciyaartii ay 2-1 uga adkaadeen Atletico Madrid tartanka Champions League.
Kulanka oo ah 1-1 ayaa waxaa seeriga oo afka lagu haya goolka guusha Blues u dhaliyay Batshuayi oo xitaa kooxda reer Spain ma aysan helin fursad ay ku baastaan.
Dhaliyaha reer Belgium ayaa durba ciyaarta kaddib boggiisa Instgram soo dhigay Sawir isagoo u labisan sida Batman oo aad ku garan ogtahay aflaanta Mareykanka.
Wuxuuna soo raaciyay qoraal u dhacayay Sidan:
“Isoo waca Marka uu kulanku u baahan yahay qof guul ku hogaamiya daqiiqada 94-aad #Batsman.”.
When the game needs a 94th minute winner
️ call me #Batsman
pic.twitter.com/b3kRxzfq9Y
— Michy Batshuayi (@mbatshuayi) September 27, 2017
Gool FM.