Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Waa Caajisloow hoos u dhigaya kooxdiisa.”. Roy Keane oo si xun u weeraray David Luiz

$
0
0

dav

(England) 28 Sebt 2017. Kabtankii hore iyo qadka dhexe Man United Roy Keane ayaa si kal iyo laab ah u dhaleeceeyay daafaca kooxda Chelsea kaddib rigooradii uu xalay ku keenay Chelsea ciyaartii ay ka adkaadeen Atletico Madrid.

Daafaca reer Brazil ayaa fursad ka abuuray meel aysanba fursadi ka jirin kaddib markii uu maaliyada ka jiiday Lucas Hernandez mar koornada la soo tuurayay sidaana looga dhigay Rigoore laga xareeyay Blues.

Roy Keane oo lagu xasuusto ciyaaraha rafta ah ayaa iminkana ah falanqeeye ciyaaro oo dhimbilo afka ka ridaya.

Keane said: 'He's lazy, he's letting his team-mates down and I'm glad he got punished

“Dhabtii waa waali cas, waa qaab khiyaano ah,” Keane ayaa sidaa u sheegay ITV.

“Maxay tahay sababta uu sidaa u sameynayo ma ahan wax aan fahmi karo aniga.

“Waa Caajisloow, saaxiibadiisana hoos ayuu u dhigayaa, wuu garanaya nafsadiisa, looma baahna midaa, waan aragnaa waxyaabo badan oo sidaa oo kale ah oo socda, sidaa darteed waan ku faraxsanahay in midaa lagu ciqaabay, waa nuuc khiyaano ah.”.

The Brazil international found himself the wrong side of  Lucas Hernandez and pulled him down

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles