Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Wenger oo doonaya Abdulkadir Omur iyo Atletico Madrid oo kula dhagan

$
0
0

cab

(Europe) 07 Okt 2017. Abdulkadir Omur waa 18 jir  qadka dhexe kaga ciyaara naadiga Trabzonspor ee dalka Turkiga kaa oo iminka boos joogta ah ka helay kooxda tan iyo markii uu safka hore ku soo biiray kal ciyaareedkii tagay.

Waxaa laga ciyaarsiiyay garabka midig ee weerarka iyo qadka dhexe, wuxuuna sameeyay labo caawin ah shan kulan uu ilaa iminka ciyaaray Supper Lig.

Bandhgiisa wacan ayaa waxay soo jiiteen indhaha kooxda Arsenal iyo Atletico Madrid oo iminka wada xiiseynaya saxiixiisa.

Laakiin tababarihii hore ee Trabzonspor  Sadi Tekelioglu ayaa daaha ka rogay in Arsenal ay hogaamineyso tartanka loogu jiro Abdulkadir Omur.

“Arsenal waxay doonayaan inay la saxiixdaan Abdulkadir,” Tekelioglu ayaa sidaa u sheegay The Sun.

“Waxaan maqlay in Atletico Madrid ay sidoo kale xiiseynayso isaga.

“Laakiin Arsenal ayaa uga horeysa raacdada loogu jiro Abdulkadir.

Arsene Wenger

“Arsene Wenger shaqo fiican ayuu ka qabtay marka laga hadlayo soo saarida da’yarta.

“Abdulkadir wuu guuleysan doonaa marka uu u dhaqaaqo Yurub.”.

Abdulkadir Omur  wuxuu Trabzonspor kula joogaa qandaraas ka dhacaya ilaa xagaaga 2020.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles