(Europe) 08 Okt 2017. Marouane Fellaini ayaa seegi doona kulanka ay Man United Premier League la yeelan doonto Liverpool isagoona sii maqnaan doona ilaa labo usbuuc.
Red Devils ayaa sabtida u safri doonta Anfield marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah.
Kooxda Jose Mourinho ayaa waxaa horey uga maqnaa Pogba oo dhaawac muruqa ah ka soo gaaray kulan ay Basel ka adkaadeen Champions League.
Iminkana waxaa la xaqiijinayaa in dhaawac jilibka ah uu soo gaaray Fellaini intii lagu guda jiray ciyaartii uu xulka Belgium 4-3 uga adkaaday Bosnia and Herzegonvina.
Arrinkan ayaa dhabar jab ku noqoneysa Man United maadaama uu Marouane Fellaini muhiim u ahaa kooxda usbuucyadii la soo dhaafay.
Gool FM.