Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Ghana oo cabasho u gudbisay FIFA kaddib goolkii laga diiday kulankii Uganda

$
0
0

ga

(Africa) 08 Okt 2017. Ghana ayaa cabasho u gudbisay xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA kaddib markii gool sax ah laga diiday dhammaadka dheeshii ay ay bar baraha 0-0 la galeen Uganda is reeb reebka koobka adduunka.

Labada dhibic ee kulankaa uga luntay Ghana ayaa khatar ku galineysa inay seegaan u soo bixista koobka adduunka ee 2018.

Xulka uu hogaamiyo Kwesi Appiah ayaa sidoo kale laga diiday gool kale qeybtii hore iyo waliba Rigoore cad.

 Ghana had a 93rd-minute winner ruled out for offside... despite being clearly on

Ciyaarta ayaa ku dhammaan kartay 3-0 oo ay si sahlan ku adkaan kartay Ghana waana Natiijo ay kaga sara mari lahaayeen Uganda oo labaad ku jirta.

Taa badelkeeda xulka lagu naaneyso Black Stars ayaa iminka labo dhibcood ka hooseeya Uganda halka ay saddex dhibcood ka hooseeyaan Masar oo ku jirta kaalinta koowaad.

Ghana ayaana iminka soo saartay warbixin ay cabasho ugu gudbineyso xiriirka FIFA.

 Ghana have now complained to Fifa over the officiating

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025