(World) 09 Okt 2017. Xiddigaha ugu fiican kubbada cagta adduunka ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa halis ugu jira inay ka haraan koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono dalka Ruushka.
Labada laacib ayaa 9 kii sano ee la soo dhaafay kala qeybsanayay abaal marinta Ballon d’Or ee laacibka ugu fiican kubbada cagta.
Laakiin waxay u muuqadaan kuwa aan ka soo muuqan doonin shaashada caalamka koobka adduunka iyadoo ay daawadayaasha xiiseeya kubbada cagta ku nasan doonaan Neymar iyo xarfaanta kale ee u soo baxay koobka adduunka.
Haddaba maxay u baahan yihiin Portugal iyo Argentina si ay ugu soo baxaan K/A ee 2018?
PORTUGAL: Xulka uu kabtanka u yahay Ronaldo ayaa guul u baahan kulanka ay la ciyaarayaan Switzerland oo kaalinta koowaad ku jirta si ay ugu soo baxan koobka adduunka.
Laakiin haddii uu xulka Portugal la yimaado natiijo taa ka duwan guul darro amaba bar baro waxay u baahnaan doonaan kulan Play-off ah oo meel kale laga eegayo.
Haddii uu Ronaldo kaarka jaalaha ah qaato kulanka ay natiijadooda ku xiran tahay ee Switzerland isla markaana laga adkaado xulkiisa wuxuu seegi doonaa lugta hore ee kulanka Play-off ka.
Dhibaatada heysata xulka Portugal waa inay la ciyaarayaan koox ka sarreysa kana natiijo qurxoon.
ARGENTINA: Xulka uu kabtanka u yahay Lionel Messi ayay sheekadoodu ka adag tahay mida xulka Ronaldo oo natiijadooda waxay ku xiran tahay xarfaan kale.
Xulka lagu naaneyso Albiceleste ayaa ku jira kaalinta 7-aad iyadoo ay natiijadoodu ku xiran tahay xulalka ka horreeya.
Siduu xulka Argentina si toos ah ugu soo bixi karaa:
Haddii ay ka adkaadaan Ecuador isla markaana ay bar baro galaan xulalka Colombia iyo Peru xulka Argentina ayaa si toos ah ugu soo bixi doona koobka adduunka iyadoo la fiirinayo natiijooyinka kale.
Haddii uu xulka Colombia ka adkaado Peru isla markaana ay Chile ka adkaan wayso Brazil oo ay kula soo ciyaareyso Sao Paulo. Argentina ayaa si toos ah ugu soo bixi doonta Koobka Adduunka balse waa inay guul ka gaaraan Ecuador.
Xulka Argentina ayaa ciyaari doona Play-off haddii:
Haddii ay guul gaaraan Colombia iyo Chile, Argentina ayay u badan tahay inay aadi doonto Play off xitaa haddii ay guul gaaraan kulankooda Ecuador.
Haddii ay Colombia ka adkaato Peru isla markaana uu xulka Argentina bar baro la galo Ecuadro, kooxda Jorge Sampaoli ayaa aadi karta Play-off balse waxay taa ku xiran tahay natiijada ka soo baxda Paraguay oo ku jirta kaalinta 7-aad oo waa inay bar baro la gashaa Venezuela amaba ay ka adkaato.
Haddii uu xulka Peru ka adkaado Colombia, Argentina waxay u baahan tahay oo qura guul si ay Play Off u ciyaarto balse haddii ay bar baro la gasho Ecuador waxay u baahnaan doonaan mucjsio adag oo ku xiran kulamada kale iyo waliba dhanka farqiga goolasha si ay u ciyaaraan Play-off.
W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)
Gool FM.