(Europe) 10 Dis 2017. Sidaan horey idin kugu balan qaadnay waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ay Jariiradaha ka qoreen xanta Suuqa kala iibsiga maadaama lagu dhow yahay Bisha Janaayo oo uu dib u furmayo Suuqa.
Haddaba Aqriso wararka xanta ay ay saakay oo Isniin ah wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga:
Daafaca Manchester United Luke Shaw ayaa doonaya in la siiyo 5 milyan oo bound si uu kooxda uga tago Janaayo. Newcastle United ayaa xiiseynaysay 22 jirka balse ma doonayaan inay bixiyaan lacagaha 20 milyan oo bound ay ku dooneyso Man United. (Sun)
Man United ayaa wada hadalo la yeelatay xiddigeeda qadka dhexe ee Marouane Fellaini 30-jir iyadoo isku dayaysa inay heshiis cusub ka saxiixato. Qandaraaska Felliani ayaa dhacaya xagaaga. (Sun)
Gareth Bale ayaa qodobo kala heshiiyay Real Madrid si uu uga tago xagaaga soo socda, Man United iyo Tottenham ayaa doonaya inay la soo saxiixdaan 28 jirka weerarka ka ciyaara. (Diario Gol)
Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay in weeraryahanka Olivier Giroud, 31-jir uu kooxda sii joogi doono isla markaana lagu soo bilaabi doono kulamo badan. Grioud ayaa baadi goob ugu jiray inuu heshiis amaah ah kaga tago kooxda. (Mirror)
Macallinka West Ham David Moyes ayaa u sheegay Joe Harta in bad baadada kooxda ay aad uga muhiimsan tahay hamiga 30-jirka reer England. (Mirror)
Juventus ayaa ka fikireysa dalab ay ka gudbiso daafaca Arsenal Hector Bellerin, 22 jir. (Sun)
Xiddiga qadka dhexe ee Manchester United Henrikh Mkhitaryan ayaa doonaya inuu fadhi la qaato Jose Mourinho si uu ugala hadlo mustaqbalkiisa kooxda. 28-jirka ayaan kulan kooxda ah lagu soo bilaabin tan iyo horaantii November. (Daily Star)
Arsenal ayaa ugu cad cad inay la soo saxiixato goolhayaha Manchester United Sergio Romero, 30-jir. (Daily Star)
Kooxda Torino ee ka dhisan Serie A ayaa dooneysa inay la soo saxiixato xiddiga qadka dhexe ee Stoke City Giannelli Imbula. 25-jirka ayaa iminka heshiis amaah ah ku jooga Toulouse. (Stoke Sentinel)
W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)
Gool FM.