(Spain) 11 Dis 2017. Inkastuu Ronaldo ku guuleystay Ballon d’Or markii shanaad khamiistii misane weli ma gaarsiisana heerka Lionel Messi sida uu qabao Ivan Rakitic.
Xiddiga reer Croatia ayaa aaminsan in xiddiga reer Portugal ay Nasiib darro ku ahayd inuu ciyaarayo isla waqtiga Lionel Messi.
Xiddiga qadka dhexe ee Barca ayaa xalay ka ciyaarayay door u badan daafaca kulankii ay ka adkaadeen Villarreal balse saameyn ayuu lahaa.
“Cristiano Ronaldo Nasiib darro ayay ku ahayd inuu ciyaarayo isla waqtiga uu joogo laacibka ugu fiican adduunka,” Rakitic ayaa sidaa yiri kulanka kaddib.
“Anigoo xushmad dhammaanteed u muujinaya Ronaldo. Aragtideyda Lionel Messi waa mid Naadir ah, waxaa jira hal NO.1 oo qura.
“Ronaldo waxaa lagu qasbay inuu nafsadiisa ku cabiro laacibkii ugu fiicnaa ebid.”.
Gool FM.