(Turin) 17 Luulyo 2018. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la wareegtay kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaasoo ka soo tagay naadiga Real Madrid kaddib 9 sanadood oo uu la joogay.
Juventus ayaa shalay Saxaafadda u soo bandhigtay CR7, waxaana loo gacan geliyey lambarka maaliyadda 7-aad ee Juve oo uu caanka ku yahay Cristiano Ronaldo.
Haddaba sidee ayay ahayd is barashadii ugu horreysay ee Cristiano Ronaldo iyo Saaxiibadiisa cusub ee kooxda Juventus?:-
CR7 ayaa si qurux badan loogu soo dhaweeyey xerada tababarka kooxdiisa cusub ee Juventus, waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey qaar ka mid ah maamulka kooxda iyo macallinka naadiga ee Massimiliano Allegri.
Xiddigaha kale ee Ronaldo xarunta kooxda Bianconeri kula kulmay oo soo dhaweeyey waxaa ka mid ahaa Miralem Pjanic, Giorgio Chiellini iyo Alex Sandro.
Halkaan hoose ka daawo sida xarunta tababarka kooxda Juventus loogu soo dhaweeyey Cristiano Ronaldo:-
Time for @Cristiano to meet his new teammates!
#CR7DAY pic.twitter.com/BCMCZen2aO
— JuventusFC (@juventusfcen) July 16, 2018
SAWIRRO:
Gool FM.