(London) 22 Sab 2018. Saxiixa Cusub ee Chelsea Mateo Kovacic ayaa qiray inuu aad You Tube ka uga daawado muuqaalada Halyeygii hore ee Manchester United Paul Scholes si uu wax uga barto.
Kovacic oo xagaagan sanad amaah ah uga soo tagay Real Madrid ayaa durba u muuqda inuu la qabsaday Blues iyo kubbada Premier League.
Wareysigii ugu horreeyay ee uu bixiyo Kovacic tan iyo sidii uu ugu soo biiray kooxda reer London ayuu ku yiri:
“Ciyaaryahankasta waa inuu isaga uun ahaadaa oo cid ku dayan- laakiin aniga ahaan Scholes wuxuu ahaa mid ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa ebid.
“Wuxuu ahaa mid cajiib ah. Weli waxaan ku raaxeystaa inaan muuqaaladiisa ka daawado You Tube.
“Mararka Qaar guriga ayaan aadaa waxaana daawadaa isaga si aan u barto wax cusub.
“Wax kasta ayuu lahaa, wuxuu ahaa laacibka qadka dhexe ee kubbada casriga ah – goolal ayuu dhalinayaa, si fiican ayuu u difaactamayaa, cidna kuma dayado aniga laakiin waan ka helaa inaan daawado Scholes. Waxaan sidoo kale daawadaa ciyaartoyda kale si aan u arko waxa aan si fiican u sameyn karo.
“Ciyaartoyda sida Luka Modric iyo Andres Iniesta sidoo kale.”.
Gool FM.