Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Madaxwaynaha FIFA Infantino oo ku soo wajahan Soomaaliya…(Goorma??)

$
0
0

(Muqdisho) 02 Okt 2018. Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa madaxweynaha FIFA Gianni Infantino kula kulmay xarunta FIFA ee magaalada Zurich ee dalka Switzerland.

Kaddib markii uu ka qeyb galay shirkii guddiga tartamada FIFA oo uu xubin ka yahay ayaa guddoomiye Cabdiqani waxaa lagu casuumay xafiiska guddoomiyaha FIFA Gianni Infantno, waxaana kulan labada masuul dhex maray looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira horumarinta Kubbadda Cagta Soomaaliya.

Guddoomiye Infantino ayaa intii kulanku socday wuxuu amaanay horumarka baaxadda leh oo ay sameysay kubbadda cagta Soomaaliya xilli waliba dalku ku jiro dhibaatooyin aad u adag.

Guddoomiyaha Kubbadda cagta Soomaaliya ayaa u sheegay Mr. Infantino in wali Soomaaliya ay sugeyso imaatinkiisa, wuxuuna madaxwdeynaha FIFA muujiyay sida ay uga go’antahay in uu soomaaliya soo booqdo dhawaan.

Infantino waxaa uu u sheegay guddoomiyaha kubada cagta Soomaaliya in ay ka go’antahay in uu yimaado Soomaaliya, isagoo xusay in uu eegayo jadwal howleedkiisa kaddibna uu guddoomiyaha Kubbadda cagta soomaaliya usoo sheegi doono taariikhda iyo saacadda uu kusoo began yahay Soomaaliya oo aan ahayn mid fog.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles